Nabigeenu waxuu yiri (Scw) “War ma,idiin sheegaa Acmaasha Ugu qayr badan acmaasha aad samay naysaan”

 Nabigeenu waxuu yiri Scw




“War ma idiin waramaa war mahaysaane ma idiin sheegaa acmaasha aad samay naysaan mida ugu khayr badan, darajaad kiinana ugu saraynta badan boqor kiina aktiisana ugu daahir nima badan,

 oo idin ka qayr badan inaad dahab iyo qalin sadaqatsataan, waa lacagaha kuwii ugu qiimaha badnaa iyo macdanta kuwii ugu qayr badnaa inaad dahan iyo silver.

sadaqaysataan oo labaxdaan ka fadli badan intaa kaliya maaha ka qiima badan oo kafadli badan inaad cadowgiina lakulantaan oo idin laayaan idin kuna aad laysaan kafadli badan, war ma idiin sheegaa war mahaysaane, Saxaabadii nabiga ayaa waxay tiri haa noosheeg Rasuul kii ilaa hayoow maxuu yahay?!

Intaasoo dhan waxa kafadli badan maxuu yahay?!

Nabigu (Scw) waxuu yiri waa (دكر الله ) ilaahay xuskiisa weeye”.

Dadka ilaahay xuskiisa badiya waxay kujiraan dad ka (صادقين) ah adoomada ugu horeeyey kujiraan ee ilaahay uu tilmaamay. 

“Dadka horumaray oo khayrkood kahor maray kuwaasi waa kuwa ilaahay agtiisa laga soo dhaweeyay”

Waxaa kujira kuwa digrigoodu badan yahay, Nabigeenu Scw “maalin maalmaha kamida buu waxuu arkay buur buu arkay jumdaan layiraahdo, markaasuu nabigu Scw waxuu yiri buur taan waa buurtii Jumdaan, dad kii qayr kood kadhex baxay kuwaasi waa kuwa horumaray sadex goor buu kuceli yay, 

Markaase dhaheen yeeyihiin rasuul kii ilaahayoow!? 

Markaas buu nabigu Scw waxuu yiri waa kuwa ilaahay aad uxusa iyo dumarka ilaahay aad uxusa.




Sidaas daraadeed walaalayaal ilaahay xuskiisa tabaaraka watacaalaa liibaan baa kujirta, aaqira kaliya maaha aduunka marka uu carab kaagu barto inaad xuska ilaahay badiso arimahaaga waala fududaynayaa, qalbigaagana waala dajinayaaa, xasilooni baad dareemaysaa raaxaad helaysaa culays badan baa kaadagaya.

Saas darteed baa ilaahay waxuu leeyahay “digriga ilaahay bay quluubtu ku xasishaa” 

Halkaan kadaawo: 👇🏻



—Wehelka Bulshada ✍🏾⏰

Follow soo dheh page keena facebook: 👇🏻

https://www.facebook.com/profile.php?id=61551653038059&mibextid=LQQJ4d

Comments

Popular posts from this blog

Sidee Livegood $2047 uga Samayn karaa?!🤔

✅Kalsoonida luminta waxay noqon kartaa natiijada arrimo iyo khibrado badan oo kala duwan. Waa kuwan qaar ka mid ah sababaha caadiga ah ee lumitaanka kalsoonida: