“Gabdhaha iyo shukaansiga”

 “Gabdhaha iyo shukaansiga”




Gabdhaha waa sidii darawal bas wada oo kale.

Ragga la haasaawana sidii rakaab ay maxaddo (boosteejo) ay u socoto ay u wado oo kale.


Gabdhaha qaar waxaa ku filan oo ay soo qaadaan hal qof oo rakaab ah, oo ay kursiga hore soo fariisiyaan, maxadada ay u socdaanna isla aadaan, haddii uusan rakaabkaas ku xumaanna halkaas ayay geeyaan, haddii kale mid kale ayay qaadaan, kii horena way dejiyaan.


Gabdhaha qaar bas rakaab buuxa ayay kaxeeyaan, qofka ay danaynayaan ayay kursiga hore soo fariisiyaan, asigana haddii ay ka xiiso dhigaan rakaabka danbe safkooda ayay ku daraan, oo mid kale ayay ku bedelaan.


Gabdhaha qaar rakaab la'aan ayay socdaan, oo kuwii baska noo istaajiya dhahana way diidaan, wax ay raadinayaanna ma yaqaanaan, oo sida ay isaga daba wareegayaan baska ayaa shidaalka ka dhamaado.


Ragga qaar bas buuxo xataa haddii ay arkaan, dhinac ayay ka raacaan, ayagoo aaminsan in darawalka uu rakaabkaasi dhan ka doorbidayo.


Gabdhaha qaarna ayagoo bas wada ayayna qof qaadi karin, qof loo keenay oo kaxeey la dhahay maahee.


Gabdhaha qaarna maxadada la rabay (guurka) umaba socdaan, oo rakaabkooda meelo dhow oo gaaban ayay geeyaan ama kasoo celiyaan.


Ragga qaar oo rakaab ahna, ayagana maxadadii la rabay ee guurka umaba socdaan, ee darawalka inay jadwalka iyo wadada ka qasaan bay isku dayaan, oo meel dhexe ay kasoo celiyaan ama baska istaajiyaan.


Gabdho badanoo darawalo ah wadadoodii iyo maxadadii ay u socdeen waa laga weeciyay, oo marwalba rakaab iska daba wareejinaya ayaa raaca.


Gabdhaha qaarna ayagaaba ugu tala gala oo rakaab meel dheer iyo maxaddo rasmi ah u socda dhanba aanan rabin.


Gabdhaha inta ugu badan ragga lacagta baska iska bixin kara ayay qaadaan, ragga kale ee jeebka maran way lugeeyaan ama darawalada ayay ku calaacalaan si loo qaado.

Ragga qaarna marba bas ayay raacaan, qaarkood way u gaartay oo jeebkaa u buuxo, qaarna dooqa oo ka lumay ama dabci xumo ayaa sidaasi u sababta.


Maxaad ka tiri arrinkaas?


Xigasho: https://wehelkabulshada.blogspot.com/

Facebook page: following me please 🙏🏻 

https://www.facebook.com/profile.php?id=61551653038059&mibextid=LQQJ4d



Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Sidee Livegood $2047 uga Samayn karaa?!🤔

✅Kalsoonida luminta waxay noqon kartaa natiijada arrimo iyo khibrado badan oo kala duwan. Waa kuwan qaar ka mid ah sababaha caadiga ah ee lumitaanka kalsoonida: