“Gabaygii uu ku amaanay sheekh musdafe Abwaan Nageeye”

 • Soomaalidu intay laba is dilay; kala dillaalaysay,

• Duullaanka reernimo intay; hiil u diriraysay,

• Dulmigiyo xigtaysiga intay; hanad u dooxaysay,

• Noloshaa daciifka ah intay; dib ugu faanaysay,

• Waxaad tahay ilayskii dalkiyo; Daaci noo kacaye, 

• Doodaha aqoontiyo intaad; warar na deeqsiisay,

• Hadba umaradii dumay intaad; dib uga faallootay,

• Taariikhahaad duubtay buu; uunku daawadaye,

• Duhurkiyo habeenkaba adaa; noo dirraan jiraye,

• Adigaa daryeelkiyo tashiga; dawlad ku ahaaye,

• Dalandoolka iyo raacdaduu; ciil ku daashadaye,

• Hadba waxaan xusuus ula durkaa; damaqa awgaaye,

• Adigaa duruufahan cakiran; noo dagaallamay,

• Waxaad tahay raggii diida yidhi; dabar go’eenniiye,

• Degdeg iyo is diiddooyin iyo; hadallo deelqaaf ah,

• Docfaruurka iyo maad u dhalan; aashi doogsiga’e,

• Deggenaanshihiyo fiirsigaad; dad uga soocnayde,

• Alleylehe dareenkii bulshadu; daacad kuu noqoye,

• Dadku waa markhaatiye shacbigu; kuu dunuunuca’e,

• Degmadaad istaagtaba salaan; diirran lagu siiye,

• Diiwaanka guushaad hantiday; doorka nololeede,

• Ayaamahan is doorshiyo wakhtigu; waa daliil adage,

• Gadhka iyo hadday labada daan; deebi ku cirrawday,

• Da’ khayrlaad ku gaadhaye Ilaah; taada derejeeye,

• Intaad dibadda joogtiyo intaad; dunida meerayso,

• Duugoobi maayee abaalkaagu; sii durugye,

• Ifku waa dariiq laga socdoo; la isu dayn waaye,

• Kollay geeribaa loo dambayn; dawga aakhiro’e,

• Waan kuu duceeyaye Ilaah; daranyo kaa dhawrye,

• Daaraha Fardawsiyo Jannada; lagu durduursiiye!




Mujrim : Nageeye, 2023

— Wehelka Bulshada ✍🏾

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Sidee Livegood $2047 uga Samayn karaa?!🤔

✅Kalsoonida luminta waxay noqon kartaa natiijada arrimo iyo khibrado badan oo kala duwan. Waa kuwan qaar ka mid ah sababaha caadiga ah ee lumitaanka kalsoonida: