“Gabadha soo -jiidashada leh”

 “Gabadha soo -jiidashada leh”




Gabadha soo—jiidashada leh (sexy women) Imarka loo eego qaamuuskeenna Carbeed (Soomaaliyeed) waa gabadha loo hamuumo ee u jeelo (jeclaysto).


Qaabka aynnu suuraysanno waayeheenan gabadha aynnu u naqaanno in ay soo-jiidashado leedahay, waa ta laga dheehdo libis (rooseeto), indhakuul, timo samays ah (buruuko), dhar dhejis ah oo dhexdeeda dhuujiya, ciddiyo xamuuradaysan, baalal indhood oo dadsamee ah ee aanay lahayn, maro siibaddeedu (suusaddeedu) ay naasaha hoostooda ku eg tahay oo ibta horraaddada sidii gantaal la ganayo hore u soo yuubaysa, midabbo kala duduwan oo baalasha indhaha dusha kaga xardhan, canqawyo mitir badhkii kor u kacsan, bawdyo banyaal ah, si ay soo-jiidasho dheeri ah u sameeyaanna loo xidhayo sharabaaddo shabag ah oo bilic u sii yeelaya, harqaanluhuna (dawaarluhuna) waa in uu u tolaa surwaal-u-eke badhida salalkeeda mid walba gaarkiisa u meegaaraya 00 muujinaya, harqaanlahaasina waa in uu ahaadaa dhanka daldaloollada marayaha uu u haweenka oo shafka agtiisa, dhabarka iyo sinaha dushoodaba uu ugu sameeyaa daloollo soo kuusaya hilibka bilicda san ee cadarkana sida mugga leh looga soo haqab tiray.


Haddii toobka gabadhu uu yahay kuwa xafladaha, waa mahuraan daloolkaas shafka ka bilaabmaa in uu ilaa xundhurta dusheeda taxnaadaa.


Dhanka sinaha iyo kilkillooyinka dhexdooda, halka ugu habboon ee daloolladaas looga sameeyo maradu waa inta uu naasku ka soo kuusmayo, indhuhuna halkaas ayay si kasta oo ka-bogasho leh uga jiqayaan iyaga oo aan isba hawlin.


Haddii ay gabadhu in uun dhawrsooni iska yara raadiso oo ay damacdo in ay soo-jeedkeeda hore asturto sababo uur iwm, waa in uu harqaanluhu xariif garaad badan noqdaa oo aagga xundhurta ku aaddan ee marada uu u sameeyaa calaamado in uun soo jeedinaya qofka eegaya gabadha, sida xiddig, ubax ama wax kale oo qurux laga dheehanayo, ama baro dhaldhalaal leh oo indhaha dadka ku yidhaahda: "halkan ku yara hakada, astaantani wax ayay idin tusinaysaaye!" Ishuna markaas gafi mayso in ay ku hakato oo ay dheehato.


Haddii uu ninku yahay indhoole ama uu xidhan yahay muraayad bikaaciso (weyneyso) ah oo aanu bed qabinna, waa in soo-jiidashada gabadhaasi ay isaga ka gaadhaa dhanka sankiisa oo ay cadar ku rushaysaa dara kasta iyo dalool kasta oo toobkeedaasi uu leeyhay ba.


Haddii ay gabadhaasi tahay kuwa isla hanka Waa noqonay sarreeya, sida in ay hoggaamiso urur haween ama ay madax ka tahay urur samafal ah, iyadu qaawanaanta waxa ay ku doorsanaysaa toob khafiif ah, muuqaalkeeda guud marka loo eego kor iyo kal way dahaadhan tahay ay ka oo maro ayay sidataa, haddana isha u baahata in bogato kuusaska jidhkeeda ee soo yuuban, lakabbada hilibka ah, gantaalaha ka soo fiiqan iyo kadhadaha ay ishu ku hakanaysaa, kama qadayso ee waxa ay ka dhex dheehanaysaa toobkaas shaandhada ah ee ku shaqlan oo gabadhaasi waa huwan-qaawan.


Waxa ay dooratay in ay noqoto agab lagu raaxaysto, ibtilo lagu fitnoobo iyo dabin lagu dagmo, kumana talo jirto in ay noqoto qof aadame ah oo go'aan iyo jiritaan leh, qof kalena cimriga iyo nolosha la qaybsada.


Waa dheddig ugu baaqaysa lab dheddigaansheheeda, waana ci' ka yeedhaysa ayda iyo kaymaha. Aadamanimadeedii waxa ay la qarsoontay khajilaad, waxana ay noqotay xayawaan ku hoos qarsoon dheeh iyo jaah aadame oo qurux iyo soo-jiidasho ay ku xardhan tahay!


Xataa hadalka ayay ka sinaysanaysaa, magacyadana waxa ay u adeegsanaysaa waxyaabo aan lagu magacaabin iyo wax ku liddi ah wixii ay ahaayeen. Dibudhacii waxa ay ku tibaaxaysaa horumar, xubneheeda tarankana waxa ay ku dhiirrinaysaa oo ay ku boorrinaysaa in ay diyaarsanaadaan goor iyo goob walba, waxaas oo dhanna waxa ay falaysaa iyada oo ku tookhaysa aqoon iyo ilbaxnimo. Macallimaddeedii waa la mid oo ma dhaanto, hoggaamiyeheeda gabadha ah ee ay tilmaanta iyo tusaalahaba ka dhigatay iyada ayayba baro dheer tahay oo waa jilaayad ama hoobalad ama qoob-ka-ciyaarka ayay ku hawllan tahay.


Fahanka ugub ee laga qaatay gabadha soo- jiidashada leh ee loo hammuun qabaa kaas ayuu noqday, waana fahan gabadha iyo ninkaba dhulka la simaya jiritaankooda iyo dadnimadooda.


Ninka ragga ahi uma yaqaanno gabadhnimada i dheddigaanshuhu in ay yihiin maryo iyo shaandho ah daldaloola iyo jidh lugaynaya, ee waxa uu u yahay oo uu u qayaanaa in ay tahay hooyanimo. Gabadha soo-jiidashada leh ee la jeclaystaana ay tahay gabadha laga dheehdo ee ku astaysan naxariis, jimcoonaan (debecsanaan), dhibir samaan, gacaltooyo iyo isfahan. 00 fahansan Si dhab ah ayuu ninka ragga ahi u og yahay in aanay gabadhu ahayn shaf iyo halbeegyo jidheed, wuuna og yahay in haddii kuwaas looga qiyaas qaato ay kollayba uumi baxayaan dhowaan oo la waayayo uurka koowaad dabadii, deeradiina ay isu doorinayso sac, aanay ka soo hadhayn wax in uun gudashadeeda hooyanimo, gabadhaasna hiranayay, dhibirsamaantii gabadhu ay jiritaanka ku lahayd iyo sawracii (asalkii) lagu yaqaannay guri dhisan oo dhidban. waxtar u leh naxariisteedii loogu Ninka ragga ahi waxa uu og yahay, xorriyadda dhabta ahi in ay tahay in ay gabadhu xorowdo xayawaanka gudeheeda ku nool ee ku guulaya in ay xiischeeda sal iyo seesba uga dhigto nolosheeda. Waa in ay ka xorowdaa gadoodka iyo kacdoonka xubneheeda oo ay xakamaysaa dareennadeeda, si ay u Waa sidaas fahankayga iyo fahanka nin kasta oo raganimo ku astaysani uu ka haysto gabadhnimada iyo dheddigaanshaha dhabta ahi.


Haddii erayadani ay gabdhaha waayahan ee casriga la jaan qaadaya ula muuqdaan dibudhac, anigu waxa aan ahay qof dibdhacsan, aniga ayaana jidkii qummanaa haya aniga oo dibdhacsan.




Waxa wax Ilaahay lagu mahadiyo ah, in kacdoonkan casriga iyo ilbaxnimada sheeganaya ee dadnimadii ay ku qiimo beeshay aanu wali facan dhallinta ah ee koraya wada gaadhin.


In badan oo gabdheheenna ka mid ahina way dhawrsan yihiin oo astaamihii gabadhnimo ayay ku astaysan yihiin.


Yacnii; marka lagu eegayo isha gabdhaha ilbaxnimada sheegtay, wali sidii ayay u dibdhacsan yihiin sidayda oo kale, Ilaahay ayaana aan ku mahadinayaa.


Faah faahin: https://www.facebook.com/profile.php?id=61551653038059&mibextid=LQQJ4d

-Zakariye Ibraahim Timocade ✍🏾⏰

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Sidee Livegood $2047 uga Samayn karaa?!🤔

✅Kalsoonida luminta waxay noqon kartaa natiijada arrimo iyo khibrado badan oo kala duwan. Waa kuwan qaar ka mid ah sababaha caadiga ah ee lumitaanka kalsoonida: