“Abwaan Nageeye iyo xogo badan oo kusaabsan xaqiiqada ah inuu kubiiray kooxda taagta daran Ee Alshabaab”
Saaka Muqdisho waxa ka soo baxay war aad u yaab badan oo aan mar ku naxay, mar tuhun weyn i galiyay, marna maskaxdaydu qaadan wayday.
Negeeye waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada aqoonta leh, suugaanta iyo sooyaalka Soomaalidana aad ugu dhuun-daloola, laftiisuna gabyaa wanaagsan ahaa. Dhowaan waxa uu qoray buug uu u bixiyay DIBADWAREEG, isaga oo PDF ah oo aan dulmarnay goor dhowayd la ii soo diray. Si dhab ah, oo fikir-dhalaalin iyo go'aan ah in uu u qaatay aragtidaan ayaa muuqata, waxaana halkaa ku jira dhowr waydiimood:
1. Horay waxa isu qarxiyay xildhibaan federaal oo gobolka Negeeye ka soo jeeda, hoggaanka AS oo dhan waa isla gobolkaa, marka ma la oran karaa aqoontahanka, siyaasiga iyo guud ahaan bulshadaa intooda Xamar joogta wax badan oo raadkaas ah ayaa ku jira?
2. Maxuu fikirka xagjirnimo ee reer waqooyi-galbeed Muqdisho ugu bislaadaa, ee ayan dhulkooda dhexdiisa ugu xagjiroobin?
3. Haddii ay Xamar ama koonfurta ku xagjiroobaan dadka Burca, Hargeysa ilaa Awaare ka soo jeeda, maxay aragtidaa ciidamaynteeda, maamulkeeda, qaraxeeda, dilkeeda iyo sharcigeedu min Boosaaso ilaa bartamaha Keenya fallaarta u saartaa, iyada oo aan Laascaanood kor ka aadin?
4. Feker ahaan iyo millitari ahaanba waa maxay waxa mucjisada ah ee ay Soomaalilaand kaga bedbaadday dadkeeda xagjirka ah, iyada oo la og yahay sirdoon, awood iyo wax kale toona in ayan dheerayn Soomaalida, haddana dadka aragtidaa xagjirka ah wada ay yahiin wiilashooda?
Runtii qof ilaa heerkaa aqoonyahan ah oo bulshada Soomaaliyeed in uu indho u ahaa la moodayay in uu AS aragtideeda si galdhacsan u qaato, mar waa musiibo; mar kalana waa bedbaado oo, Soomaalida aragtidaa dhibbanaha u ah waxa saaka ku soo kordhay wacyi cusub oo ay ku gaashaaman karaan.
— Wehelka Bulshada ✍🏾
Wow waa xog muhiima
ReplyDelete