‘’Xikmadaha Laga Diiwaan Geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Qaar Ka Mid Ah’’

‘’Xikmadaha Laga Diiwaan Geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Qaar Ka Mid Ah’’









1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo".

2- " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa".

3- " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan".

4- " Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal ah , qofka aad nolosha isku darsateen iyo caruurtaad dhashay inaad ku xumaato, dibadana nin fiican oo laga yaqano hebel la yiraahdo noqotid wax fiican ma aha".

5- " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku, meeday barwaaqaada ay sheegaayaan " ?

6- " Aqoonyahanku haduu noqdo qof la iibsan karo suldanadu iiibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha ".

7- " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. "

8- " In Hooyo la noqdaa waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad ".

9- " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyay buu ogyahay, laakiin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Aakhiro u direen ".

10- " Quraanka haddii aad akhrido, qof Rabigii u waramaayo ayaad tahay bal qiyaas Rabigaa oo kula hadlaaya oo ku waramaaya.

—Zaki Akram ✍🏾🫶🏻

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Sidee Livegood $2047 uga Samayn karaa?!🤔

✅Kalsoonida luminta waxay noqon kartaa natiijada arrimo iyo khibrado badan oo kala duwan. Waa kuwan qaar ka mid ah sababaha caadiga ah ee lumitaanka kalsoonida: