Waa Bilaash Waana Qaali!!
Waa bilaash waana Qaali!!
waad layaabantahay waxa bilaashka ah hadana qaaliga ah
waxaad iswaydiinaysaa waxaasi maxay yihiin? maxay noqonkaraan? hadaba aan kusheego waa waqtiga dhamaanteen si bilaasha ayaan ku helnaa oo lacag kama bixino hadana waa qali oo wax gooyaa majiraan
dhamaanteen waan wada haysanaa intaan noolnahay laakiin inta ka fiidaysataa yar ugama faiidaysano sidii loogu talagay
kuwo nagamid ah waxay raadiyaan meelo ay waqtigaas ku dilaaan
kuwo naga mid ahna waxay illaahay waydiistaan inuu waqtigooda u waasiciyo si ay illaahay ugu caabudaan aduunkana wax ugu qabsadaan
kuwo naga mid ah wuxay qoraxdu udhacdaa ayagoon wali ka kicin sariirtooda iskaba daa inay waqtigooda ka faa'iidaystaane
kuwo nagamid ah fadhi kudirir ayay kuqaataan waqtigood iyo dood aan waxba soo kordhinayn danbimooyee
kuwo nagamid ah xittaa Kuma soo dhacdo bal waqti baad haystaaye illahay ugu dhawoow oo nogo mid illaahay xagiisa laga jecelyahay
kuwo naga mid ah waxay illahay uga mahadcelliyaan maadama waqtigaan ay haystaan waliba si bilaash Ugana faaiidaysteen wax anfacaya aduunka iyo aakhiradoodaba
bal kawaran sida uu qaali u yahay hada uu bilaashka u yahay waqtigaaga noqo mid ka fiidaysta
hadii aadan maanta waqtigaaga ka faaidaysan maalin aan maanta ahayn ayaad dhihi doontaa waqtigaygii maxaan ugu faaiidaysan waayay hadaa waxbaan qabsan lahaa aduun iyo aakhiraba
"ogoow haday hal daqiiqo ku dhaafto maanta ogow inay kusoolaabanaynin"
mahadsanid madaama aad halkaan soo gartay waxan rajaynayaa illaahay inuu naga dhigo kuwo watigooda ka faaidaysta ugana faaiidaysta wax faaiido uleh.
Zaki Akram ✍️
Waa baraarujin wanaagsan ๐๐๐ป
ReplyDeleteWow ๐ฏ
DeleteM,a
ReplyDeleteWow ๐
ReplyDelete