Sannadkii 2023 ahaa waa gebagebo. Waxa ina macasalaameeyay, inta aan xogtooda helay, 13 fannaan oo dhinacyo kala duwan kaga jiray dhaxalka faneed ee Soomaalida. Kal horana 8 aan ka dhicin baynu duugnay! Waa labadaa sano ee aan wadey diiwaangelinta geeryaha ku yimaadda udbaha fanka Soomaalida.

 Sannadkii 2023 ahaa waa gebagebo. Waxa ina macasalaameeyay, inta aan xogtooda helay, 13 fannaan oo dhinacyo kala duwan kaga jiray dhaxalka faneed ee Soomaalida. Kal horana 8 aan ka dhicin baynu duugnay! Waa labadaa sano ee aan wadey diiwaangelinta geeryaha ku yimaadda udbaha fanka Soomaalida. 




Magacyadoodu, sida ay u kala horreeyaan, waa:


    I. 2020:

1. Daa'uud C Masxaf oo kontoneeyada qarnigii tegay dhashay. Isaga oo da' yar bartay tumista cuudka. Fanka heesidda, laxamaynta, kaban-tumista, iyo giitaar-garaaciddaba aad ugu tilmaannaa, heer la gaadhsiiyo in lagu qeexo in uu fanka tumista kabanka kacdoomiyay.

2. Axmed I Xudaydi, oo qarni dhowdhow noolaa, intiisii badnaana kabanka uu gaarka ula baxay iyo codaynta ku caan baxay. Laxanka Qaraamiga ah ee Riftoon ee aynu maanta ku raaxaysanno dhegaysigiisa ayaa ka mid ah qaadhaanka uu bilawgii fanka casriga ah ku darsaday.

3. Cumar C Shooli, oo Maddaalaha Waabberi loogu bixiyay sidii uu fanka ugu heellanaa. Wuxuu jaadgooni ku noqday heesaha debecsan ee cawaysyada iyo, dabcan, kabankiisa.

4. Cabdi Tahliil Warsame, oo luuqdiisa jillaabta leh iyo kabankiisa aan qiimayn ku filan helin laakiin kaalmaha hore ku jiray ku caan noqday. Sidoo kale laxameeye soocan buu ahaa.

5. Xabiiba C Balbelleef, oo darkii dhexe ee fanka Jabbuuti ka mid ahayd, heesaynteeduna soojiidasho lahayd. Jilaa heerka dhexe ahna ahayd.

6. Maxamed M C Busi, oo gugii Calansaarka dhashay, ilaa uu ka dhacayayna qayb weyn ka ahaa kabanka, heesidda, iyo laxamaynta. Wuxuu, dhanka kale, ku suntanaa fanka maadaynta iyo jilaannimada.

7. Saynab X C Baxsan, oo ka mid ahayd raacii kowaad ee hablaha ka qaybqaatay fanka casriga ah ee Soomaalida. Waddaniyadda iyo guubaabada, iyo mawduuc ay ka heestaba luuqdeedu tii lagu hakado ee loo dheg raaciyo ayay ahayd. Sida dhabta ah, insaan baxsan bay ahayd.

8. Cabdi C Bacalwaan, oo laxan-samaynta ku soo galay heesta layaabka leh ee "Afrikaay Huruddooy!" Codaynta heesaha waxa u dheeraa fannaanimo dhan kasta ah: heesaa iyo jilaa sarreeya ayuu ahaa.


II. 2021:

1. Faarax C Siidow, oo caan ku ahaa, marka kabanka laga yimaaddo, tumista qalabkii soojireenka Soomaaliyeed ahaa ee shareerada. Fanka Benaadiriga ayuu sidoo kale tiir tilmaaman u ahaa.

2. Faadumo C Nakruuma, oo heesaha guubaabada ah caan ku ahayd, balse dhanka jilliinkana kaalin korran kaga jirtay. Weliba burburkii ka dib ayay sii waddey hawshaa faneed ee qiimaha sarreeya. 

3. Siraad Cabdulle, oo luuqdeeda (inta badan heeso talantaalli ah baynu ka aragnay e) lala sureerayay. 

4. Xareedo I Duniyo, oo tabtii Nakruuma heesaha guubaabada ah u badnayd, balse dhan ay ka heestaba luuqdeedu heer dhexe ahayd.

5. Cabdi J Qaboojiye, oo fankii danbe ha ahaado e, misana ka dhex suntanaa faciisa.

6. Maxamed C Masmas, oo halabuur heeso iyo riwaayadaba curiyay oo fartiisa iyo fekerkiisuba qurux faneed ay lahaayeen.

7. Ibraahin S Sooraan, oo keligii koox ahaa! Madaddaalinta iyo maadaynta murtidu ka buuxdo ee uu saaxadda ku soo kordhiyay wixii 2000-nadii ka danbeeyay waxa u raaca in uu ahaa ilaa toddobaatameeyada qarmigii hore ahaa jilaa awood faneed ka muuqato.

8. Cabdiraxmaan-Dheere Cismaan, oo kaban-tumistiisu meeldhexaad ahayd, luuqayntiisuna baarka sare ahayd. Walaalkii waa fannaanka kale ee Maxamed-Dheere; xaaskiisu waa fannaanadda Aamina Cabdillaahi; inantiisuna waa fannaanadda kale ee Hodan Cabdiraxmaan.

9. Maxamed A Shamuuri, heesaagii iyo laxameeyihii kabankiisuna uu hirgalay ee beeraleyda iyo xioladhaqatadaba fankooda ka dhex tilmaannaa.

10. Maxamuud C Tuunyo, oo halabuur riwaayado iyo heesaba curiyay ahaa.

11. Cabdi M Ajagis, oo tabtii Sooraan ahaa maadeeye buuxa. Kaalintaa masraxiyadaha gaagaaban ee maaweelinta murtiyaysan loola jeedo ayay labadooduba si kala duwan, oo qaab kastaa iskii u korran yahay, u wadeen.

12. Cabdiraxmaan C Xirsi, oo Cabdiraxmaan-Sarkhaan lagu naanaysi jiray, oo hormuud u ahaa fanka laxamaynta ee Jabbuuti. Sidoo kalana heesaa ahaa cajiib ah.


-ZAKI AKRAM ✍

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Sidee Livegood $2047 uga Samayn karaa?!🤔

✅Kalsoonida luminta waxay noqon kartaa natiijada arrimo iyo khibrado badan oo kala duwan. Waa kuwan qaar ka mid ah sababaha caadiga ah ee lumitaanka kalsoonida: