‘’Hagaagga iyo horusocodka qoysku gacanta gabadha uun kuma eka, ee waa hawlgal lammaanka ka dhexeeya’’
, Hagaagga iyo horusocodka qoysku gacanta gabadha uun kuma eka,
Hagaagga iyo horusocodka qoysku gacanta gabadha uun kuma eka, ee waa hawlgal lammaanka ka dhexeeya, ee ninow islaweynidaada ka tanaasul, hana noqonin kuray manyacu uu ka batay oo doonaya mar walba in isaga la maslaxdo oo la la heshiiyo, xaaskaagana ha u xiniinyo weynaan oo ha u darnaan.
Ninka naxariista leh ee mar walba isagu xaaskiisa maslaxdaa qalbigeeda ayuu hantaa oo uu isku hubsadaa. Waxa ugu badan ee gabadha soo jiita ee jacaylkeeda uu nin kaga helaana waa u-naxariisashada.
Gabadhuba si kasta oo ay aqoon, xog’ogaalnimo iyo diin ugu sheegganaato, dabcigeeda dumarnimo kama tegayso. Waxa farxad gelinaysa hadyad yar, xataa haddii aad maalkii adduunkaba midigtaaba ku hayso. Eray aad u dhibirsan oo debecsan ayaa bashaashnimo jaaheeda u horseedaya, xataa haddii aad gabayada kuwooda ugu sita u tirisid.
Labada lammaanka ahiba way xanaaqayaan waxna way maslaxayaan. Shaqada ninku ma aha in uu xanaaqo oo uu qawlallada cadho kala xunbeeyo, shaqada gabadhuna ma aha in ay ninka maslaxato uun oo mar walba ay baashiraad iyo sabbaaritaan iyadu ku jirto.
Ogow nin yohow; in ay tahay abuur kula ayni ah oo dareen leh, qof kasta oo aadmi ahina uu leeyahay karaan uu wax ku xammili karo oo kooban. Ha ku cariigsanin, hana u horseedin in ay xumaanteeda kuu muujiso, ka dibna aad ka xisaabiso xumahaas aad habdhaqankaaga kaga keensatay.
Maanka ku hay mar walba, in ubuxu uu wacan yahay, se uu qodxaan leeyahay. Baro sidii aad ubaxaas uduggiisa u carafsan lahayd, adiga oo ka dhawrsnaya qodxihiisa.
-Zaki Akram ✍🏾🫶🏻📚
M,a Mahadsanid ustaad
ReplyDeleteM,a
Delete